Leroy Sané oo qarka u saaran inuu si rasmi ah ugu biiro kooxda Bayern Munich

(Manchester) 02 Luuliyo 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee Leroy Sané ayaa qarka u saaran inuu si rasmi ah ugu biiro naadiga Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sport” ee dalka Germany, Leroy Sané ayaa wuxuu qarka u saaran yahay inuu u saxiixo kooxda Bayern Munich heshiis cusub ee gaaraya ilaa iyo xagaaga 2025.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Leroy Sané uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda Bayern Munich maanta oo khamiis ah, waxaana kaliya la sugayaa inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Sida ay sheegeen wargeysyada, qiimaha heshiiska ee dhex maray labada kooxood ee Bayern Munich iyo Manchester City ayaa gaaraya 50 million euros.

Heshiiska Leroy Sané ee kooxda Manchester City ayaa wuxuu dhacayaa sanadka soo socda, iyadoo laga war qabo inuu ku dhawaaday ku biirista naadiga Bayern xagaagii hore, balse waxaa soo gaaray dhaawac cuslus ee ku qasbay inuu garoomada ka maqnaado dhowr bilood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close