David Alaba oo qeyb ka noqday qorshaha dib u dhiska Kooxda Manchester City ee xagaagan xilli Leroy Sané…

(Manchester) 02 Luuliyo 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa in daafaca Bayern Munich ee David Alaba ay bartilmaameedsanayso si ay qeyb uga dhigto qorshaheeda dib u dhiska xagaagan.

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa qorsheynaya inuu shaxdiisa dib u qaabeyn ku sameeyo kaddib markii horyaalka Premier League ay ka fara-marooqsatay Liverpool oo ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo todobo kulan ay ka harsan tahay.

David Silva ayaa hore u xaqiijiyay inuu kooxda ka tagayo 10 sano kaddib xagaagan, halka Leroy Sane la filayo inuu ku biiro kooxda Bayern marka suuqa kala iibsiga dib loo furo kaddib markii uu iska diiday inuu saxiixo qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Etihad.

Iyadoo Vincent Kompany uu ka tagay xagaagii hore, isla markaana labadoodaba Sergio Aguero iyo Fernandinho ay haatan ku jiraan sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraasyadooda, Man City ayaa la filayaa inay soo gasho suuqa sanadkaan, inkastoo ay jirto saamaynta dhaqaale ee faafaha Coronavirus.

Wargeyska The Guardian ayaa warinaya in Guardiola uu u calaamadeystay Alaba mid ka mid ah bartilmaameedyadiisa ugu sarreeya suuqa, sababtuna waxay tahay in 28-sano jirkaan uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro daafaca bidix ama daafaca dambe, waana labada qaybood ee Man City ay dooneyso inay xoojiso.

Guardiola ayaa Alaba la soo shaqeeyey waqtigii uu maamulayey Bayern Munich, halkaasoo Alaba ka ciyaaray in ka badan 400 oo kulan tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey saftay sanadkii 2010-kii.

Si kastaba ha ahaatee, xiiso walba oo ay Man City u qabto Alaba ma saamaynayo u dhaqaaqista dhinaca kale ee Sane, xilli horraan la isku raacay heshiiska xiddiga reer Jarmal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close