Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Getafe

(Madrid) 01 Luulyo 2020. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka Getafe ee horyaalka La Liga.

Macalin Zinedine Zidane iyo wiilashiisa ayaa waxay isku diyaarinayaan kulanka horyaalka La Liga ay habeen dambe kula ciyaari doonaan kooxda Getafe garoonka Alfredo Di Stefano kaasoo qeyb ka ah kulamada 33-aad ee xilli ciyaareedkan.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu liiskan ugu yeeray 24-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doona kulanka habeen dambe ee Getafe , balse waxaa liiskan si la yaab leh looga waayey laacibka reer Belgium ee Eden Hazard.

Balse taasi badelkeeda waxaa liiskan dib ugu soo laabtay xiddiga reer Spain ee Lucas Vázquez oo kulamadii la soo dhaafay ku maqnaa sababa la xiriira dhaawac uu qabay, sido kale waxaa liiskan ku soo baxay Luka Jović.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Getafe ee horyaalka La Liga dalka Spain:

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close