RASMI: Kooxda Bayern Munich oo difaac kala soo saxiixatay naadiga PSG.… + SAWIRRO

(Munich) 01 Luuliyo 2020. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa goordhow xaqiijisay inay difaac da’yar kala soo wareegtay naadiga PSG ee ka dhisan Faransiiska.

Bayern Munich ayaa la saxiixatay 18-sano jirkaan daafaca ee Tanguy Nianzou Kouassi, kaasoo ay heshiis ku eg illaa bisha June sanadka 2024-ka ay kala soo wareegeen PSG.

Xiddigan ku dhashay Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska isla markaana ka ciyaara booska dhaafaca dhexe ayaa naadiga Bayern Munich qalinka ugu duugay heshiis afar sanadood ah.

Heshiiskan cusub ee uu Tanguy Nianzou Kouassi u saxiixay Kooxda Bayern Munich ayaa garoonka Allianz Arena ku sii hayn doona illaa iyo bisha June ee sanadka 2024-ka.

Kouassi ayaa 13 kulan u ciyaaray kooxda waa weyn ee PSG, waxaana uu u dhaliyey saddex gool, isagoo u caawiyey hal gool oo kale.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close