RASMI: Kooxda Arsenal oo heshiis cusub ka saxiixatay xiddigeeda da’da yar ee Bukayo Saka

(London) 01 Luuliyo 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay Bukayo Saka maanta oo Arbaco ah.

Kooxo dhowr ah oo ka dhisan Ingiriiska iyo qaaradda Yurub ayaa la la xiriirinayey xiddigan asal Nigerian-ka ah, kaasoo haysta dhalashada England.

Mikel Arteta ayaa garab taagnaa markii uu heshiiska cusub saxiixayayey Saka, waxaana uu Website-ka rasmiga ah ee kooxda Arsenal u sheegay: “Bukayo oo mid hibo leh iyo ciyaaryahan da’yar oo caqli badan”

“Wuxuu igu qanciyay akhlaaqdiisa shaqo iyo dhaqankiisa si aan u barto ulana qabsado, waxayna ku dhammaatay bandhig fiican.”

“Waan ku faraxsanahay inaan sii wado isaga oo kaashanaya sidii aan u sii horumarin lahayn iyo inuu innaga caawiyo sidii aan hadafkeenna u gaari lahayn.”

“Bukayo waxa uu saftay kulankiisii ugu horreeyey isagoo jira da’da 17-ka sano, kulan aan guul 4-1 ka gaarnay Fulham xilli ciyaareedkii la soo dhaafay” ayuu hadalkiisa ku daray Arteta.

Goolkiisii ugu horreeyey Saka ee xirfaddiisa sare waxa uu dhaliyey ciyaar ay Arsenal guul 3-0 ah ka gaartay Eintracht Frankfurt bishii September ee sanadkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close