Chelsea oo guuldaro niyad-jab leh kala kulantay Kooxda West Ham United… +SAWIRRO

(London) 02 Luulyo 2020. Chelsea ayaa guuldaro niyad-jab leh kala kulantay Kooxda West Ham United oo ay ku booqatay London Stadium, kaddib markii loogu awood sheegtay 3-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood West Ham United iyo Chelsea.

Daqiiqadii 34-aad kooxda West Ham United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Tomas Soucek.

Laakiin daqiiqadii 42-aad Chelsea ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay xiddiga reer Brazil ee Willian, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad West Ham United ayaa markale hogaanka u qabatay dheeshay waxaana 2-1 ka dhigay Michail Antonio, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jarrod Bowen.

Balse daqiiqadii 72-aad Chelsea ayaa heshay goolka barbaraha, kaddib markii uu 2-2 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Willian.

Daqiiqadii 90-aad kooxda West Ham United ayaa hogaanka markale u qabatay ciyaarta waxaana 3-2 ka dhigay Andriy Yarmolenko.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-2 ay kaga adkaatay West Ham United kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd London Stadium.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close