Kulan u dhexeeya Kooxaha Horseed iyo Mogadishu City Club oo lagu daah furayo Garoonka Stadium Mogadishu oo dib u dayactir lagu sameeyey

(Muqdisho) 30 Juun 2020. Garoonka Tuulada isboortiga ee Stadium Mogadishu ayaa caawa la daah furi doona muddo 16-sano kaddib, isagoo marti galin doona kulan aad u weyn oo lagu xusayo 1-da Luulyo, maadaama aynu ku jirno todobaadka xoriyadda.

Riyooyin badan oo ay ku riyoonayeen bahweynta isboortiga ayaa caawa u rumooweysa, maadaama ay ku han weynaayeen inay arkaan iyadoo lagu dheelayo garoonka Mogadishu Stadium.

Kooxaha Mogdisho City Club iyo Horseed ayaa ku hardami doona cayaarta furitaanka garoonka Mogadishu Stadium, labada koox ayaa ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Somali Premier League iyagoo ku jira kaalimaha Koowaad iyo Labaad.

Labadaan kooxood ayaa hal koob loo dhigi doona oo u jeedkiisa uu yahay mid loogu dabaal-dagayo todobaadka xoriyadda, isla markaana lagu daah furayo garoonka Mogadishu Stadium.

Kulankii ugu dambeeyay ay labadan kooxood isku arkaan horyaalka Somali Premier League waxay ku kala baxeen barbaro 0-0, balse caawa ma ciyaarayaan kulan horyaalka ah, kaliya waxa ay dheelayaan koob lagu xusayo 1-da Luulyo laguna daah furayo garoonka oo dib loo dayactiray.

Ilaa iyo iminka lama oga wakhtiga rasmiga ee ay ciyaartu baasmi doonto, balse warar kala duwan ayaa sheegaya in ciyaarta la baasi doono caawa, halka kuwa kalena ay sheegaya in galabta la dheeli doono.

Ogeysiis ciyaarta:-

Tartanka: Koobka 1-da Luulyo

Kooxaha: Horseed vs Mogadishu City Club

Garoonka: Stadium Mogadishu

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close