Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

(Barcelona) 01 Luulyo 2020. Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Atletico Madrid.
Daqiiqadii 11-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool qalad ah iska dhaliyay weeraryahanka Atletico Madrid ee Diego Costa, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.
Laakiin daqiiqadii 19-aad Atletico Madrid ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badalay oo bar-bardhac 1-1 ah ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Spain ee Saul Niguez.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 50-aad Barcelona ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badalay Lionel Messi, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2-1 ay hogaanka kula wareegtay Barca.
Laakiin markale daqiiqadii 62-aad Atletico Madrid ayaa lagu abaal mariyay rigoore, waxaana gool u badalay Saul Niguez, dheesha ayaana sidaas ku noqotay barbaro 2-2 ah.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Barcelona iyo Atletico Madrid, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou, iyadoo natiijada ciyaartan aysan u wanaagsaneyn naadiga Blaugrana.
SAWIRRO:
Gool FM.