DEG DEG: Kooxda Borussia Dortmund oo xaqiijisay inuu ka tagay Achraf Hakimi  

(Dortmund) 30 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa goordhow xaqiijisay inuu ka tagay Achraf Hakimi, iyadoo ay jiraan warar la xiriirinaya xiddigan inuu ku biirayo naadiga Inter Milan.

Daafacan reer Morocco ayaa qarka u saaran inuu dhammeystiro heshiiska uu ku aadayo garoonka San Siro, isla markaana uu uga tagayo Kooxda Real Madrid kaddib labo sano oo amaah ah oo uu ku joogay garoonka Signal Iduna Park.

Achraf Hakimi ayaa farriin macsalaameyn ah u diray taageerayaasha kooxda Borussia Dortmund kaddib markii uu yimid dalka Talyaaniga si uu caafimaad ugu maro kooxda Inter Milan.

Inkastoo Kooxda Borussia Dortmund ay ku dhawaaqday inuu baxay Achraf Hakimi, haddaba weli ma jiraan wax xaqiijin ah oo ku aaddan saxiixa Achraf Hakimi oo ka soo baxay dhinaca Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close