Sidee ayay u muuqan karaysaa SHAXDA ay Kooxda Barcelona kala hortagayso habeen dambe Naadiga Atletico Madrid??

(Barcelona) 28 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay waddada guulaha dib ugu soo laabato, marka ay kulan ka tirsan horyaalka La Liga garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynayso habeen dambe Naadiga Atletico Madrid.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Spain ayaa barbaro soo gashay labo ka mid ah saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey, iyadoo kulankii la soo dhaafayna barbaro 2-2 la soo gashay Celta Vigo Sabtidii.

Barcelona ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee horreynta horyaalka La Liga, markii xalay Real Madrid guul ka soo gaartay Espanyol oo ay booqatay, waxaana Barca hoggaanka horyaalka loogala wareegay labo dhibcood.

Haddaba Shabakadda Sports Mole ayaa SHAX ka sameysay sida ay u muuqan karto safka Catalan ay kala hortagayso Atletico, kuwaasoo guuleystay afartoodii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga.

Barca waxaa kulankan ka maqnaan doona Frenkie de Jong oo kubka ka dhaawacan iyo Ousmane Dembele oo dhaawac muruqa ah la maqan, waxaana sidoo kale shaki laga gelinayaa kulankan Sergi Roberto oo feeraha xanuun ka sheeganaya.

Halkaan hoose ka eeg sida ay u muuqan karto shaxda Barcelona ay ku wajahayso Atletico Madrid habeen dambe:-

POSS BAR XI vs. ATL

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close