Real Madrid oo noqotay Kooxdii 10-aad ee xaqiijisata booskeeda Champions League xilli ciyaareedka soo socda

(Madrid) 28 Juun 2020.  Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain ayaa xalay guul ka gaartay Espanyol oo ay marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka La Liga, iyadoo uga soo adkaatay gool madi ah oo uu dhaliyey Casemiro.

Los Blancos ayaa sidaasi hoggaanka horyaalka La Liga kooxda Barcelona uga qabatay labo dhibcood oo nadiif ah, iyadoo lix kulan oo qura uu ka harsan yahay in la soo gabagabeeyo horyaalka La Liga.

Haddaba Real Madrid ayaa noqtay kooxdii 10-aad ee xaqiijisata booskeeda ka qeyb-galka Champions League xilli ciyaareedka dambe ee 2020/21.

Los Blancos ayaana liiskan kula biirtay sagaalka kooxood ee uga horreeyey kuwaasoo kal hore xaqiijiyey u soo bixitaankooda Champions League kal ciyaareedka dambe, waxaana ay kala yihiin:-

PSG, Marseille, Bayern Munich, Dortmund, Leipzig, Gladbach, Liverpool, Club Brugge iyo Shakhtar Donetsk.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close