Liiska xiddigaha Kooxda Barcelona ay kala hortagayso habeen dambe Atletico Madrid oo lagu dhawaaqay & Arthur oo weli ku jira shaxda Barca

(Barcelona) 29 Juun 2020. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka adag ee ay habeen dambe wajahayaan naadiga ka dhisan caasimadda Spain ee Atletico Madrid.

Kulankan oo qeyb ka ah horyaalka La Ligaha Spain, waxaa liiska xiddigaha Barcelona dib ugu soo laabtay Roberto & Busquets, iyadoo weli liiska Barca uu ku jiro Arthur.

Kaddib markii uu tijaabada caafimaad u maray naadiga Juventus, ciyaaryahan Arthur ayaa ka mid ah liiska ay haatan soo saartay Barcelona, waxaana uu ka soo muuqan karaa kulanka habeen dambe ay wajahayaan Atletico Madrid.

Image

Liiska kooxda Barcelona ay ku wajahayso Atletico Madrid oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Neto, Pena.

Daafacyada: Semedo, Pique, Lenglet, Araujo, Firpo, Alba, Umtiti, Roberto, Cuenca.

Khadka dhexe: Rakitic, Busquets, Arthur, Vidal, Puig, Collado, Monchu

Weerarka: Suarez, Messi, Griezmann, Braithwaite, Fati.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close