Horudhac: Espanyol vs Real Madrid… (Los Blancos oo caawa u baahan inaan laga adkaan si ay hoggaanka horyaalka ugala wareegto Blaugrana, marka ay u safreyso Magaalada Barcelona)

(Barcelona) 28 Juun 2020. Real Madrid ayaa u safreysa Magaalada Barcelona, halkaasoo ay caawa kula soo ciyaari doonto kooxda ay isku magaalada yihiin Barca ee Espanyol.

Los Blancos ayaa haddii ay guul gaarto iyo haddii ay barbaro gashaba, waxa ay hoggaanka horyaalka La Liga kala wareegi doontaa Barcelona oo xalay barbaro 2-2 la gashay Celta Vigo.

Real Madrid ayaa caawa eegeysa inay gaarto guusheedii shanaad oo xiriir ah horyaalka La Liga, haddii ay adkaato waxa ay hoggaanka horyaalka Barcelona kaga qaban doontaa labo dhibcood, haddii ayse barbaro gashay iyagoo dhibcaha ay ka siman yihiin labada kooxood ayay hoggaanka qaban doontaa maadaama labadii kulan ee El Clasico oo labadaan kooxood dhexmaray Barca laga wato afa dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad 28 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: RCDE Stadium

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Espanyol

Daafacyada dhexe ee Leandro Cabrera iyo Bernardo ayaa labaduba ka soo laabanaya ganaax ay ku maqnaayeen, waxaana laga yaabaa inay ka soo muuqdaan Wadnaha daafaca.

David Lopez ayay u badan tahay inuu ku soo laaban doono khadka dhexe ee kooxda Abelardo, sida ay u badan tahay.

Oscar Melendo ayaa la rajeynayaa inuu ku soo bilowdo dhanka garabka midig, halka Raul de Tomas uu taam u noqon karo inuu ku soo bilowdo isagoo ka garab ciyaari doona Wu Lei dhanka weerarka.

Real Madrid

Casemiro ayaa ka soo laaban doona ganaax kaddib waana inuu ku soo laabto isla markaaba khadka dhexe ee Real Madrid.

Luka Modric iyo Ferland Mendy ayaa labadoodaba ganaax ku seegaya kulankan, si kastaba Isco ayaa la filayaa inuu fursad u helo inuu ka dheelo khadka dhexe.

Vinicius Jr waa inuu k asoo muuqdo garabka midig ee kooxda Tababare Zinedine Zidane kaddib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay dhawaan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Real Madrid ayaa guuleystay 14 ka mid ah 15-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday naadiga Espanyol tartammada oo dhan.

>- Los Blancos ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay todobo ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Espanyol tartammada oo dhan.

>- Real Madrid ayaan la garaacin 20 ka mid ah 22-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 10 ka mid ha 12-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay tartammada oo dhan wajahday naadiga Espanyol.

>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close