DEG DEG: Isku aadka afar dhammaadka tartanka FA Cup-ka oo haatan la sameeyey

(England) 28 Juun 2020. Waxaa la sameeyey goordhow isku aadka afar dhammaadka FA Cup-ka, iyadoo kulan adag uu ka soo baxay.

Manchester United ayaa wajahaysa Chelsea, halka Arsenal ay la ciyaari doonto midkood kooxdii soo baxda caawa Newcastle iyo Manchester City oo wada ciyaaraya.

Labadan kulan ee Afar dhammaadka FA Cup-ka waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley marka ay taariikhdu tahay 18-ka iyo 19-ka bisha soo aaddan ee July.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka Semi-finalka FA Cup-ka oo dhammaystiran:-

Manchester United v Chelsea

Arsenal v Manchester City ama Newcastle

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close