Chelsea oo u gudubtay afar dhamaadka tartanka FA Cup kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay Leicester City … +SAWIRRO

(England) 28 Juun 2020. Chelsea ayaa u gudubtay afar dhamaadka tartanka FA Cup kaddib markii ay guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leicester City 0-1 kulan qeyb ka ahaa wareega siddeed dhamaadka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Leicester City iyo Chelsea.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga qadka dhexe ee reer England Ross Barkley, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Willian.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ah ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Leicester City, guushaan ayaa ka dhigay in Blues ay kula biirtay kooxaha Man Unitd iyo Arsenal wareega afar dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close