Liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka Celta Vigo oo la shaaciyey… (MSG oo hoggaaminaya & Busquets oo maqan)

(Barcelona) 27 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay liiska xiddigaha uga qeyb galaya kulanka maanta ay booqanayaan Celta Vigo, iyadoo uu liiskan ka maqan yahay Sergio Busquets oo ganaaxan, halka Arthur uu dib ugu soo laabtay.

Tababare Quique Setien waxaa sidoo kale ka maqan shaxdiisa Frenkie de Jong iyo Sergi Roberto, labada ciyaaryahan ayaana weli la maqan dhaawacyo soo gaaray.

23-ka ciyaaryahan ee Barcelona kuwaasoo u safraya Magaalada Vigo si ay halkaas ugu soo ciyaaraan kulan ka tirsan horyaalka La Liga ayaa waxaa ku jira siddeed ciyaaryahan oo ka diiwaan gashan Barcelona B.

Siddeeda ciyaayahan ayaa laga soo qaatay kooxda labaad ee Barcelona ayaa waxa ay kala yihiin; Inaki Pena, Riqui Puig, Alex Collado, Ansu Fati, Ronald Araujo, Dani Morer, Monchu and Jorge Cuenca.

Dhinaca kale Arthur Melo, kaasoo qarka u saaran inuu xagaagan ku biiro kooxda Juventus ayaa sidoo kale shaxdan ku soo baxay.

Liiska Kooxda Barcelona ee xiddigaha ay kala qeyb galayaan kulanka Celta Vigo halkaan hoose ka eeg:-

Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Neto, Pena

Daafacyada: Semedo, Pique, Lenglet, Alba, Lenglet, Araujo, Morer, Cuenca, Umtiti, Firpo

Khadka dhexe: Rakitic, Arthur, Puig, Collado, Monchu

Weerarka: Suarez, Messi, Griezmann, Braithwaite, Fati

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close