Horudhac: Celta Vigo vs Barcelona… (Blaugrana oo Kooxda Los Blancos kala wareegi karta hoggaanka horyaalka La Liga)

(Vigo) 27 Juun 2020. Kooxda Barcelona ayaa isku deyi doonta inay dib ugala wareegaan Real Madrid hoggaanka horyaalka La Liga marka ay sii wadaan ciyaaristooda xilli ciyaareedkooda 2019-20 ee ay ku wajahayaan Celta Vigo Maqribnimada maanta oo Sabti ah.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Spain ayaa ka hooseysa Real Madrid oo ku jirta kaalinta koowaad ee horyaalka La Liga, laakiin waxa ay si aad ah u jeclaan doonaan fursadda ay dib ugu laaban karaan hoggaanka horyaalka marka ay maanta u safraan Magaalada Vigo.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti 27 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Abanca Balaidos

Garsooraha: Guillermo Cuadra (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Celta Vigo

Okay Yokuslu ayaa ganaax uga soo laabanaya kooxda martida loo yahay, waxa uuna ku soo laaban karaa wadnaha khadka dhexe ee Celta Vigo.

Hugo Mallo lama filayo inuu dib uga soo laabto dhaawaca uu la maqan yahay, iyadoo Kevin uu ciyaari doono daafaca garabka midig.

Denis Suarez iyo Rafinha ayaa dhinaca weerarka ka taageeri doona Iago Aspas, waxaana ay safka hore ugu soo bilaaban karaan kooxda martida loo yahay.

Barcelona

Sergio Busquets ayaa ganaax ku seegaya kulankaan kaddib markii ay u buuxsameen kaararkiisa digniinta ah kulankii ay la ciyaareen Kooxda Athletic Club.

Ivan Rakitic ayaa la rajeynayaa inuu ka soo muuqdo khadka dhexe ee Kooxda Tababare Quique Setien, inkastoo Riqui Puig uu isna wacdaro ka dhigay oo uusan u qalmin in kursiga keydka lagu sii haayo.

Luis Suarez ayaa hoggaamin kara weerarka kooxda martida ah ee Barcelona, inkastoo sidoo kale Ansu Fati uu muddooyinkii dambe sameynayey bandhig cajiib ah.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Ligaha Spain.

>- Celta Vigo ayaa dhankeeda shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool siddeed ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda Celta Vigo tartammada oo dhan.

>- Celta Vigo ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Barcelona tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close