Carlos Tevez oo shaaca ka qaaday qorshihiisa ah inuu hal mar wada ciyaarsiiyo Messi & CR7, Kooxda uu ugu jecel yahay Yurub iyo Shaxdiisa Riyada

(Argentina) 27 Juun 2020. Waayaha kubadda cagta ee Carlos Tevez ayaa dhammaad ku dhow, waxaana uu rajeynayaa in kulankiisa macsalaamada uu isugu keeno xiddigaha ku xafiiltama kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa daaha ka rogay xiddigaha uu rajeynayo inay kala qayb galaan kulan ciyaareedka lagu sagootinaayo waayihiisa ciyaareed iyo kooxda qura ee ka dhisan Yurub oo uu doonayo inuu ku soo laabto.

“Haddii aan aniga soo agaasimayo kooxda kulanka sagootinta, waxay ka koobnaan lahaayeen Gianluigi Buffon, Hugo Ibarra, Rio Ferdinand, Gabriel Heinze, Patrice Evra, Andrea Pirlo, Paul Scholes, Paul Pogba, Cristiano Ronaldo, Leo Messi iyo Wayne Rooney,” ayuu Tevez u sheegay raadiyaha La Red.

Xiddigii hore ee kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa albaabada u furay suurogalnimo walba oo la xiriirta mustaqbalkiisa, isagoo diiday inuu carrabkiisa addoon u ahaado xilliyada soo aaddan.

“Dabcan, Argentina, kaliya waa Boca Junior.

“Balse waxaan jeclaan lahaa inaan ku laabto West Ham si lix bilood halkaas la iigaga sacab tumo” ayuu hadalkiisa ku daray Weeraryahankii hore ee Juventus.

Teves ayaa qiray in kooxda Hammers ay tahay naadiga uu ugu jecel yahay kooxaha Yurub ka dhisan ee uu u soo ciyaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close