Steven Gerrard oo fariin gaar ah u diray taageerayaasha Liverpool kaddib markii ay ku guuleysteen horyaalka Premier League

(Liverpool) 26 Juun 2020. Halyeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa fariin hambalyo ee gaar ah u diray taageerayaasha Reds, kaddib markii ay xalay ku guuleysteen horyaalka Premier League muddo 30 sano ah kaddib.

Steven Gerrard ayaa boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuu ku soo qoray fariin hambalyo ee gaar ah u diray taageerayaasha kooxda Liverpool wuxuuna yiri:

“Waxaan ugu hambalyeynayaa qof walba oo Liverpool ah ku guuleysiga horyaalka Premier League, waa guul cajiib ah oo ay gaareen koox cajiib ah iyo ciyaartooy heer sare ah”.

Dhinaca kale Steven Gerrard ayaa wuxuu si weyn u ammaanay tababare Jürgen Klopp, wuxuuna Gerrard ku soo xiray fariintiisa salaam qaas ah uu u diray taageerayaasha, isagoo xusay in 30 sano ah ay sugayeen kahor inta aysan ku guuleysanin horyaalka wuxuuna yiri:

“Dabaal dega ha bilaabmo”

Si kastaba ha noqotee, Chelsea ayaa xalay garoonkeeda Stamford Bridge saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Man City, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, iyadoo natiijada kulankan ay ka dhigtay in Liverpool loo caleemo saaro hanashada horyaalka Premier League mudo 30 sano ah kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close