Rivaldo oo si xiiso leh kaga hadlay arrinta ku aadan in garsoorka uu muddooyinkii u dambeeyey la safnaa Real Madrid

(Yurub) 25 Juun 2020. Xiddigii hore ee Kooxda Barcelona Rivaldo ayaa bilaabay aragti xiiso leh oo ku aaddan in garsoorku uu muddooyinkii u dambeeyey la safnaa Real Madrid, taasoo horseedday inay kooxda boqortooyada hoggaanka horyaalka La Liga kala wareegto Blaugrana.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Rivaldo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Kulan kasta waxaan arki karnaa qaladaadyo badan ee dhanka garsoorka ah oo aan lagu xalinin aalada garsoor caawiyaha ee VAR, waxaana si buuxda u fahamsanahay hadalada Gerard Pique ee arrintan ku saabsan”.

“Uma malaynayo in qaladaadka garsoorka ee u eexashada Real Madrid dhowaanahan ay ahaayeen kuwo ula kac ah, maxaa yeelay maalmahaan qaladaadka dhacay waxay noqon karaan kuwo ay Barcelona xiiso u yeeleyso” ayuu yiri Rivaldo.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close