Chelsea oo garaacday Man City isla markaana horyaalka Premier League gacanta u galisay Liverpool…+SAWIRRO

(London) 26 Juun 2020. Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Man City, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, iyadoo natiijadan kulankan ay ka dhigan tahay in Liverpool ay ku guuleysatay horyaalka Premier League mudo 30 sano ah kaddib.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Christian Pulisic.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Manchester City ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Kevin De Bruyne.

Balse daqiiqadii 78-aad kooxda Chelsea ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badalay laacibka reer Brazil ee Willian.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge.

Natiijada ciyaartan ayaa ka dhigan in kooxda uu hogaamiyo Jürgen Klopp ee Liverpool ay ku guuleysatay koobka horyaalka Premier League mudo 30 sano ah kaddib.

SAWIRRO:

 

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close