Aubameyang oo rikoodh cajiib ah ka sameeyay kulanka haatan socda ee Southampton

(England) 25 Juun 2020. Macalinka reer Spain iyo kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku soo bilaabay xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang shaxda Gunners kulanka haatan socda ay kula ciyaarayaan naadiga Southampton horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa marti ku ah garoonka St. Mary’s ee Kooxda Southampton si ay u wada ciyaaraan ciyaar qeyb ka ah kulamada 31-aad ee horyaalka Premier League.

Shabakada “Sky Sport” ee dalka England ayaa shaacisay in Emerick Aubameyang uu sameeyay rikoodh weyn, kaddib markii uu saftay kulanka caawa ee Southampton.

Emerick Aubameyang ayaa kulanka haatan socda ee Southampto uu u yahay kulankiisii 100-aad ee kooxda Arsenal tartamada oo dhan tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund.

Sidoo kale Shabakada “Sky Sport” ayaa sheegtay in Aubameyang uu u baahan yahay inuu dhaliyo hal gool kulanka haatan socda ee Southampton , si uu u gaaro goolkiisa 50-aad ee xirfadiisa horyaalka Premier League.

Waxaa xudi mudan in kooxda Arsenal ay haatan kaga hogaamineyso ciyaarta naadiga Southampton 0-1, waxaana u dhaliyay xiddiga da’ada yar ee Edward Nketiah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close