Real Madrid oo dib ula wareegtay hogaanka horyaalka La Liga kaddib guul ay ka gaareen Kooxda Mallorca… +SAWIRRO

(Madrid) 25 Juun 2020. Real Madrid ayaa dib ula wareegtay hogaanka horyaalka La Liga kaddib guul ay kaga gareen Kooxda Mallorca 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 31-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 19-aad Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay da’ayarka reer Brazil ee Vinicius Junior, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Luka Modric.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Sergio Ramos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay  Real Madrid kooxda Mallorca oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close