Man United oo guul ay u qalantay Old Trafford kaga gaartay kooxda Sheffield United… +SAWIRRO

(Manchester) 24 Juun 2020. Manchester United ayaa guul ay u qalantay garoonkeeda Old Trafford kaga gaartay kooxda Sheffield United, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 31-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 7-aad kooxda Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Anthony Martial, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

44 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester United ayaa la timid gool kale, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay markale Anthony Martial, waxaana caawiyay goolkan Aaron Wan-Bissaka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 74-aad Manchester United ayaa sii dheereeysatay hogaaminta ciyaarta, Anthony Martial ayaa dhaliyay goolkiisa saddexaad, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0, waxaana goolkan caawiyay Marcus Rashford

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay  Manchester United kooxda Sheffield United oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close