Liverpool oo saddexda dhibcood kaga qaaday kooxda Crystal Palace garoonkeeda Anfield…+SAWIRRO

(Liverpool) 24 Juun 2020. Liverpool ayaa saddexda dhibcood kaga qaaday kooxda Crystal Palace garoonkeeda Anfield, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 31-aad ehoryaalka Premier League ee dalka England.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.
Daqiiqadii 23-aad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Trent Alexander-Arnold.
Markale daqiiqadii 44-aad kooxda Liverpool ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Mohamed Salah, xilli uu caawinta goolkan lahaa Fabinho.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 55-aad Reds ayaa sii dheereysatay hogaaminta ciyaarta kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Fabinho, da’ayarka Andrew Robertson ayaa goolkan caawiyay.
60 Sadio Mane ayaa dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hogaamineysay kooxda kubadda cagta ee Liverpool, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mohamed Salah.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.
SAWIRRO:
Gool FM.