RASMI: Ciyaaryahan weyn oo laga helay coronavirus

(Yurub) 23 Juun 2020. Dunida oo dhan ayaa wali la tacaaleysa xanuunka coronavirus, inkastoo uu yaraaday xawligii uu ku socday, balse waxa uu wali si tartiib ah usii saameynayaa dad cusub.

Ciyaartoya kubadda cagta ayaa ka mid ahaa dadyowga uu sida daran u saameeyay, balse waxa uu hadda soo ritay xiddiga Teeniska ciyaara ee Novak Djokovic, oo ay xanuunka ku wehliso xaaskiisa Jelena.

Coric, Dimitrov, Djokovic and Zverev

Ciyaaryahanka reer Serbia oo ay la jiraan saaxiibbadiisa Grigor Dimitrov, Borna Coric iyo Viktor Troicki ayaa laga baaray xanuunka COVID-19 sida uu xaqiijiyay xiddiga ugu sarreeya ciyaarta Teeniska.

“Markii aan imaannay Belgrade Axaddii, waxaan marnay baaritaan, natiijadana waxay noqotay in aniga iyo xaaskeyga Jelena na laga helay cudurka” ayuu yiri Djokovic.

Balse akhbaarta wanaagsan ayaa ah in wiilkooda laga waayay xanuunka coronavirus.

Djokovic ayaa gali doono maalmo karaantiil ah, taasoo sababeysa inuu dib u dhaco diyaar garowgii uu ugu jiray ka qayb galka tartanka Teeniska ee Washington Open kaasoo furmaya 14-ka bisha Agoosto, iyadoo xitaa ay suuro gal tahay inuu ka qayb gali waayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close