Miyuu Maxamed Saalax diyaar u yahay kulanka Crystal Palace? Klopp ayaa ka jawaabaya

(Liverpool) 23 Juun 2020. Tababare Jürgen Klopp ayaa daaha ka qaaday go’aankiisa kaga aadan suurtogalnimada uu Maxamed Saalax kaga qeyb gali karo kulanka habeen dambe ay wada ciyaarayaan kooxaha Liverpool iyo Crystal Palace, kaasoo ka tirsan kulamada 31-aad ee horyaalka Premier League.

Maxamed Saalax ayaa ka maqnaa kulankii la soo dhaafay ee Merseyside derby ay wada ciyaareen kooxaha Everton iyo Liverpool, kaasoo ku soo idlaaday bar-bardhac 0-0 ah.

Haddaba Jürgen Klopp ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka Crystal Palace ayaa wuxuu yiri:

“Maxamed Saalax si dabiici ah ayuu tababarka u sameeyay shalay, si la mid ah Robertson, sidaas darteed diyaar ayey u yihiin”.

“Milner iyo Joël Matip ayaa laga saaray kulanka Crystal Palace sababa la xiriira dhaawac ay qabaan”.

“Dhaawaca Milner? Waxaan hubnaa inuusan aheyn mid halis ah, Joël Matip ayaa ku dhacay lugtiisa, balse labada dhaawacba wax shaqo ah kuma lahan inaan la ciyaarin muddo dheer” ayuu yiri Jürgen Klopp.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close