Horudhac: Barcelona vs Athletic Bilbao… (Barca oo doonaysa inay waddada guusha dib ugu soo laabato, lana wareegto hoggaanka horyaalka La Liga)

(Barcelona) 23 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay waddada guusha dib ugu soo laabto marka ay caawa garoonka Camp Nou ku qaabilayso naadiga Athletic Bilbao.

Kooxda horyaalka haysata ayaa barbaro goolal la’aan ah la soo gashay Jimcihii Sevilla, halka Athletic ay guul 1-0 ka soo gaartay Sabtidii Real Betis.

Barcelona ayaa doonaysa inay guul gaarto kulankan oo ay si ku meel gaar ah hoggaanka La Liga ugala wareegto Real Madrid.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Talaado 23 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Jesus Gil (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Barcelona

Samuel Umtiti ayaa dib u soo laabtay kaddib ganaax uu uga maqnaa kooxda martida loo yahay, laakiin Clement Lenglet ayaa wali la filayaa inuu booskiisa daafaca dhexe ka ciyaaro.

Arturo Vidal iyo Sergio Busquets ayaa ah hal jaale u jira ganaax, taasoo u macallinku u arki karo Ivan Rakitic inuu ciyaari karo.

Frenkie de Jong ayaa la rajeynayaa inuu maqnaado inta ka harsan bishaan kaddib markii la xaqiijiyay in dhaawac kubka ah uu soo gaaray.

Athletic Bilbao

Macallin Gaizka Garitano ayaa la rajeynayaa inuu galo shan nin oo difaac ah kulanka ay u safrayaan garoonka Camp Nou.

Yuri ayaa dhaawac ku seegaya ganaax, sidaa darteed Mikel Balenziaga ayaa ka ciyaari doona daafaca bidix ee kooxda martida ah.

Oihan Sancet ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo ka hor Iker Muniain, halka Asier Villalibre la rajeynayo in lagu abaal-mariyo inuu ku bilowdo safka hore kaddib goolal uu ka dhaliyay Kooxda Eibar.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaan la garaacin 27-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa laga adkaanin 22-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku wajahday Kooxda Athletic Bilbao tartammada oo dhan.

>- Kooxda Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Athletic Bilbao ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda Barcelona tartammada oo dhan.

>- Kooxda Athletic Bilbao ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close