Cristiano Ronaldo oo rikoor cusub ka dhigay horyaalka Serie A guushii ay xalay gaartay Kooxdiisa Juventus

(Turin) 23 Juun 2020. Rigoore uu dhaliyey qeybtii hore kulankii ay xalay guusha ka gaareen Bologna xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa rikoor cusub ka dhigay horyaalka Serie A.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay ka sare maray Rui Costa, waxaana uu noqday Portuguese-ka ugu goolasha badan taariikhda horyaalka Serie A.

Ronaldo ayaa gool rigoore ah dhaliyey kulankii ay alay Juve 2-0 uga adkaatay Bologna, natiijadaas ayaana ka dhigtay inay Bianconeri afar dhibcood ku qabto hoggaanka horyaalka Serie A.

Goolkaas waxa uu ahaa goolkiisii 22-aad ee horyaalka Serie A uu ka dhaliyo xilli ciyaareedkan, waana in hal gool ka badan 21 gool oo uu dhaliyey xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Turin markii uu kaga soo dhaqaaqay Real Madrid sanadkii 2018.

Waxa uu gaaray goolkiisii 43-aad, iyadoo 35-sano jirkaan uu ka sare maray Rui Costa, isla markaana noqday ciyaaryahanka Portuguese-ka ee goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka Talyaaniga.

Rui Costa ayaa siddeed sanadood ku qaatay Serie A, isagoo u ciyaarayay Fiorentina kaddibna Milan intii u dhaxaysay sanadihii 1994-kii iyo 2006.

Xiddigii hore ee Kooxda Manchester United ee Ronaldo ayaa ah Portuguese-ka ugu goolasha badan taariikhda Premier League, waxaana uu ka dhaliyey 84 gool 196 kulan oo uu ciyaaray.

Sidoo kale waxa uu isagu yahay Portuguese-ka goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka La Liga taariikhda, waxaana uu ka dhaliyey 311 gool 292 kulan oo uu u saftay Real Madrid, waana xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda ka dhisan caasimadda.

Kaliya Ronaldo xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee ah Kabtanka Barcelona, Lionel Messi ayaa horyaalka La Liga ka dhaliyey goolal ka badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close