Barcelona oo si ku meel gaar ah ku sii qabatay horyaalka La Liga, kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay Athletic Bilbao… +SAWIRRO

(Spain) 24 Juun 2020. Barcelona ayaa si ku meel gaar ah ku sii qabatay horyaalka La Liga, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga gaartay Athletic Bilbao 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 31-aad ee horyaalka Spain xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Athletic Bilbao.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Ivan Rakitic, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lionel Messi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay  Barcelona kooxda Athletic Bilbao oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close