RASMI: Liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb galaya Kulanka Athletic Bilbao oo lagu dhawaaqay… (MSG oo hoggaaminaya & Xiddigo muhiim ah oo maqan)

(Barcelona) 22 Juun 2020. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Athletic Bilbao.

MSG xiddigaha la isku yiraahdo ee Messi, Suarez iyo Griezmann ayaa hoggaaminaya, iyadoo ay maqan yihiin De Jong & Roberto, halka uu dib u soo laabtay Umtiti.

Tababare Quique Setién ayaa magacaabay 24-ka xiddig ee uu kala qeyb galayo kulanka Bilbao waxaana dib u soo laabtay Umtiti kaddib ganaax uu la maqnaa.

Waxaa Liiskan dhaawacyo ku seegay oo ka maqan Dembélé, Sergi Roberto iyo Frenkie de Jong.

Sidoo kale Morer iyo Cuenca ayaa ka mid ah liiska xiddigaha Barcelona kuwaasoo laga soo qaatay Barca B.

Liiska xiddigaha 24-ka ciyaaryahan ee Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka Bilbao:-

Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Neto, Pena

Daafacyada: Semedo, Pique, Lenglet, Firpo, Araujo, Alba, Umtiti, Morer, Cuenca

Khadka dhexe: Rakitic, Busquets, Arthur, Vidal, Puig, Collado, Monchu

Weerarka: Suarez, Messi, Griezmann, Braithwaite, Fati.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close