Napoli oo ka soo jawaabtay dalabkii ay Kooxda Liverpool ka gudbisay Daafaca Kalidou Koulibaly

(Naples) 22 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Napoli ee Waddanka Talyaaniga ayaa ka soo jawaabtay dalabkii ugu horreeyey oo ay Liverpool ka soo gudbisay Kalidou Koulibaly.

Napoli ayaa soo diiday sida wararku ay tilmaamayaan dalab 58 milyan oo gini ahaa oo ay Kooxda Liverpool ka soo gudbisay Kalidou Koulibaly.

Warsidaha Talyaaniga ka soo baxa ee Corriere Dello Sport ayaa warinaya in la soo diiday dalabadkii furitaanka ahaa ee ay Liverpool ka gudbisay daafaca dhexe Napoli ee Kalidou Koulibaly, kaasoo ku kacayey 58 milyan oo gini.

Liverpool in 'pole position' to sign Koulibaly and form ...

Manchester United ayaa sidoo kale la la xiriiriyay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal, laakiin kooxda reer Talyaani ayaa ugu yaraan ku doonaysa 90 milyan oo gini oo u dhiganta 111 milyan oo doollar.

Kooxda Liverpool waa inay hurtaa lacag aad u badan haddii ay rabaan Koulibaly inuu daafaca dhexe kala garab ciyaaro Virgil van Dijk xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close