Man City oo garoonkeeda Etihad guul weyn ay u qalantay kaga gaartay kooxda Burnley… +SAWIRRO

(Manchester) 22 Juun 2020.  Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Burnley, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 30-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 22-aad Manchester City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Phil Foden, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis reer Portugal ee Bernardo Silva.

43 daqiiqo marka ay dheesha aheyd Riyad Mahrez ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester City, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay waayeelka reer Brazil ee Fernandinho.

Daqiiqadii 45-aad Manchester City ayaa dheereysatay hogaaminta ciyaarta kaddib markii ay heshay rigoore waxaana gool u badalay  Riyad Mahrez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad David Silva ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0 ay ku hogaamineysay kooxda kubadda cagta ee Manchester City, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bernardo Silva.

63 daqiiqo Phil Foden ayaa ciyaarta ka dhigay 5-0 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester City, waxaana goolka caawintiisa lahaa xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Etihad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close