Real Madrid oo la wareegtay hogaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay guul ka gaartay Real Sociedad… +SAWIRRO

(England) 22 Juun 2020. Real Madrid ayaa kala wareegtay kooxda Barcelona hogaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay guul 1-2 kaga soo gaartay Real Sociedad garoonka Reale Seguros, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Spain.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen kooxaha Real Sociedad iyo Real Madrid.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Sergio Ramos, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hogaamineysay Los Blancos.

Markale daqiiqadii 71-aad Real Madrid ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Karim Benzema, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Federico Valverde.

Laakiin daqiiqadii 83-aad kooxda Real Sociedad ayaa la timid gool waxaana 1-2 ka dhigay xiddigooda Mikel Merino.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd Real Sociedad garoonka Reale Seguros.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close