Kooxaha Everton iyo Liverpool oo isku mari waayey kulankii adkaa ee Merseyside derby… +SAWIRRO

(England) 21 Juun 2020. Kooxaha Everton iyo Liverpool ayaa isku mari waayey kulankii adkaa ee Merseyside derby, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka aheyd kulamadii 30-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee kulanka Merseyside derby ayaa waxaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Everton iyo Liverpool.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaartii xiisaha badneyd ee Merseyside derby ayaa waxay ku soo dhmaatay bar-bardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Everton iyo Liverpool.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close