Chelsea oo guul soo laabasho ah kaga soo gaartay kooxda Aston Villa garoonka Villa Park… SAWIRRO

(England) 21 Juun 2020. Chelsea ayaa guul soo laabasho ah kaga soo gaartay kooxda Aston Villa garoonka Villa Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Aston Villa.

Daqiiqadii 43-aad kooxda Aston Villa ayaa la wareegtay hogaanka dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Kortney Hause.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Chelsea ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Christian Pulisic, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Cesar Azpilicueta.

Kooxda Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 62-aad, kaddib markii uu gool u dhaliyay Olivier Giroud, waxaana goolkan markale caawiyay Cesar Azpilicueta.

 

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd Aston Villa garoonka Villa Park.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close