Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Real Sociedad

(Madrid) 20 Juun 2020. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka Real Sociedad ee horyaalka La Liga.

Macalin Zinedine Zidane iyo wiilashiisa ayaa waxay isku diyaarinayaan kulanka horyaalka La Liga ay habeen dambe kula ciyaari doonaan kooxda Real Sociedad, kaasoo qeyb ka ah kulamada 30-aad ee xilli ciyaareedkan.

Zinedine Zidane ayaa liiskan ugu yeeray 23-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doonto kulanka Eibar, balse waxaa liiskan laga waayay oo ka maqan xiddigaha kala ah Lucas Vázquez, Luka Jović, Isco iyo Nacho Fernandez, halka uu dib ugu soo laabtay liiskan Mariano Diaz oo ka soo kabsaday dhaawacii uu qabay.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Real Sociedad ee horyaalka La Liga dalka Spain:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close