Saddex ka mid ah Kooxaha waa weyn ee Premier League oo iskula dheggan saxiixa xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga

(London) 20 Juun 2020. Saddex ka mid ah kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League ayaa la soo warinayaa inay ku tartamanaa xiddig ka tirsan horyaalka Bundesliga Jarmalka ee Leon Bailey.

Kooxaha Chelsea, Manchester City iyo Manchester United ayaa tartan ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Leon Bailey.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Kooxaha Chelsea, Manchester City iyo Manchester United ay dhammaantood wada doonayaan inay la saxiixdaan ciyaaryahanka naadiga Bayer Leverkusen ee Leon Bailey.

Xiddigan ayaa kooxda waa weyn ee qaaradda Yurub indhahooda soo jiitay oo ka taabsaday kaddib markii uu labo caawin sameeyey isbuucii hore kulankii ay ka hor tageen Cologne.

Waxaa loo maleynayaa inuu yahay bedel ka qiimo jaban Jadon Sancho kaasoo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund, waana sababta dhammaan Naadiyadani ay u doonayaan saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close