“Ma aanan dareemin bixitaanka Cristiano Ronaldo sababtoo ah waxaan heysanaa Lionel Messi” – Javier Tebas

(Spain) 19 Juun 2020. Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa sheegay inaysan dareemin bixitaanka Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid, sababa la xiriira in La Liga uu heysto Lionel Messi, kaasoo loo arko inuu yahay kan ugu wanaagsan adduunka.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay Real Madrid xagaagii 2018, kaddib markii uu kooxda Juventus ugu biiray qiimo lacageed dhan 120 million euros.

Haddaba Javier Tebas ayaa aaminsan in bixitaankii Cristiano Ronaldo uusan saameyn xoogan ku yeelanin awooda La Liga, marka loo fiiriyo horyaalada kale ee waaweyn.

Javier Tebas ayaa wareysi uu ku bixiyay “Radio1” wuxuu ku sheegay:

Javier Tebas: Anyone who thinks Leo Messi isn't the best in ...

“Bixitaanka Cristiano Ronaldo runtii waxaa ka xanaaqay taageerayaasha Real Madrid, laakiin run ahaantii ma dareemeyno inuu ka maqan yahay horyaalka La Liga”.

“Madaama tartanka uusan saameyn ku yeelan, sababtoo ah awooda tartanka kaliya kuma xirna xirfadaha shaqsiyadeed ee ciyaartoyda”.

“Lionel Messi waa midka kaliya ee ka duwan, waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta, wuxuuna ka ciyaaray noloshiisa oo dhan tartanka horyaalka La Liga”.

“Marka hadii uu bixi lahaa, waan ka qoomameyn laheyn, Messi wuxuu astaan u yahay kubada cagta Spain, waxaanan ku boorinayaa inuu ciyaaraha kaga fariisto halkan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close