Kooxaha Sevilla iyo Barcelona oo dhibcaha ku qeyb saday garoonka Ramón Sanchez Pizjuan… +SAWIRRO

(Spain) 20 Juun 2020. Kooxaha Sevilla iyo Barcelona ayaa dhibcaha ku qeyb saday garoonka Ramón Sanchez Pizjuan, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 0-0 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Sevilla iyo Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Sevilla iyo Barcelona, kaddib kulan aad u xiiso badnaa ay ku wada ciyaareen garoonka Ramón Sanchez Pizjuan.

SAWIRRO.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close