Horudhac: Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka adag kooxaha Elman iyo Mogdisho City ee horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 19 Juun 2020. Kooxaha Mogdisho City Club iyo Elman Fc ayaa ku balansan garoonka Eng Yariisow, ciyaar qeyb ka ah tartanka horyaalka Somali Premier League, waana kulankii 60-aad ee laga ciyaarayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulanka ayaa ah mid aad u xiiso badan waana ciyaarta loogu magac daray Derby Capital ama kulanka Caasimada, labadan kooxood ayaa ah kuwa isla xisaabtama marka ay timaado ciyaarista kubadda cagta.

Tani waa ciyaarta mideysa labada taageerayal ee kooxahan maadaama garoomada lagu arko marka ay dheelayaan labadan kooxod buun ay wata taageeryasha labada dhinac iyo sawaxan aan xad laheyn, waana sabata aan ugu aragno inuu yahay kulanka ugu weyn horyaalka, balse kulankan wuu ka duwan yahay kulamadii ugu dambeyay horyaalka maadama garoonka loo ogoleyn wax taageero ah, waxana taas loo sababeyay caabuqa COVID-19.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Shantii kulan ee ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka Somali Premier Leaguue, waxaa labo kamid ah badisay naadiga Mogdisho City Club halka saddexda kulan kale ay bar baro galeyn labada dhinac, taas oo ka dhigan in kooxda jaalayasha ee Elman ay ku dhiban tahay iney ka adkaato kooxda M.C.C, marka laga eego shantii kulan ee ugu dambeyay ay dheelan.

Kooxda Kubaadda cagta Elman kulankii ugu dambeyay waxey 4-2 ugu soo adkaatay naadiga Jazeera Sports Club.

Wiilasha Elman kulan ciyaareedkan waxaa ka maqnaan doona xidigeeda lagu magacaabo Xamse kaas oo dhaawac ku seegaya ciyaartan weyn.

Naadiga Mogdisho City Club kulankii ugu dambeyay horyaalka waxey bar baro la soo gashay kooxda cawo iyo maalin ee Horseed.

Mogdisho City Club kulanka galabta waxaa ka maqnaanaya xidigeeda cajiibka ah ee Feysal Xasan Xaashi kaas oo ku maqnaanaya jaalooyin u aruuray, sido kale xidigan waa hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka Somali Premier League.

Sido kale Naadiga M.C.C waxaa dib ugu soo laabanaya xidigeeda lagu magacaabo Steven kaas oo kooxda ugu maqnaa kaarka roosaha, wuxuuna qaatay ciyaartii ay kooxdiisa guusha ka gaareyn naadiga Gaadiidka, kulankaas oo ku soo dhamaaday 3-0.

Is Araga Labada Kooxod:

14/01/2020    Elman FC 1 : 1 Mogadishu City Club

25/03/2019    Elman FC 1 : 1 Mogadishu City Club

26/06/2019    Mogadishu City Club 2 : 2 Elman FC

13/02/2018    Elman FC 2 : 6 Mogadishu City Club

12/04/2018    Mogadishu City Club 4 : 2 Elman FC

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Elman FC Vs Mogdisho City Club

Kulanka: Derby Capital

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacada: 3:30.

W/D Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close