DEG DEG: Maxkammaddii qabatay dacwadii u dhexeysay Neymar iyo Barcelona oo go’aan cad ku kala saartay… (Yaa guuleystay?)

(Paris) 19 Juun 2020. Waxaa muddo soo jiitameysay dacwadii uu Neymar ka gudbiyay kooxda Barcelona ee ahayd inaysan siinin gunnooyin uu kulahaa kahor inta uusan ka tagin.

Maxkamadda ayaa libinta siisay Barcelona, waxaana guud ahaan meesha laga saaray sheegashadii gunnooyinka uu u dagaallamayay laacibka kooxda Paris Saint-Germain.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa Barca ka dalbaday gunnada daacadnimada kooxda oo uu ku tilmaamay inay gaareyso 43.6 milyan oo euro ka hor inta uusan u ruqaansan caasimadda Faransiiska.

Taas baddelkeed, maxakamadda ayaa ku xukuntay Neymar inuu Barca siiyo 6.7 milyan oo euro.

Barcelona ayaa iyaduna dhankeeda xaqiijisay go’aankii ka soo baxay dacwadii uu xiddigooda hore ka gudbiyay ee ku aaddanayd gunnooyinka daacadnimada kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close