DEG DEG: Guardiola oo xaqiijiyay mid ka mid ah xiddigaha Man City inuu diiday saxiixa heshiis cusub, kooxdana uu ka tagay…(Ogow kooxda xigta ee ku biiri doono)

(Manchester) 19 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ugu dambeyn ka quusatay inay qandaraas cusub u gacan galiyaan weeraryahankooda Leroy Sane, waxaana ugu dambeyn Macallin Pep Guardiola uu qiray in xiddigan uu baxsad yahay.

Tababaraha Man City ayaa qiray in Sane uu labo illaa saddex jeer uu iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxda ka dhisan Etihad Stadium.Pep Guardiola reveals Leroy Sane has officially told Manchester ...

“Leroy Sané ma doonayo inuu heshiis cusub nala galo, waxa uu rabaa inuu koox kale u ciyaaro” ayuu yiri Guardiola.

Bayern Munich ayaa sida ugu badan lagu soo warramayaa inay tahay kooxda xigta ee Sane, waxaana horraan xiddiga Jarmalka ah iyo wakiilkiisa ay heshiis hordhac ah la gaareen Bavarians.

Manchester City ayaa hadda diyaar u ah inay dhiggeeda la fariisato si ay kagala xaajooto qiimaha Leroy Sané ay isku weedaarsanayaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close