Chelsea oo diyaar u ah inay iska iibiso N’Golo Kante & ujeeddada ka dambeysa iibkiisa oo daaha laga rogay

(London) 19 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa ugu dambeyn inay laacibkeeda N’Golo Kante iibineyso xagaagan si ay kooxda lacago badan ugu soo xareyso qasnaddeeda.

Blues ayaa ku jirta is hubeyn ballaaran iyagoo doonaya in xilli ciyaareedka dambe ay tartan u galaan tartammada ay ka qayb galayaan, sidaas darteed, waxay suuqa ugu jiraan saxiixyo muhiim ah inay sameeyaan.

Si taas loo hlo, Chelsea ayaa ku qamaareysa xiddigaheeda, waxaana hadda ay suuqa dhigeen Kante oo halbowle u ahaa safka kooxda tan iyo ku soo biiriistiisii 2016.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa dooneysa inay la soo saxiixato Kai Havertz iyo Ben Chilwell, si ay u xoojiyaan safkooda xilli ay horraan la saxiixdeen Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Chelsea news and transfers live: Ben Chilwell priority, £20m Kai ...

Khadka dhexe ee reer France ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Real Madrid, waxaana suuro gal ah in Los Blancos ay dib usoo celiso xiisihii ay u qabeen ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 2018.

Sababta ugu weyn ee ay Chelsea isaga iibineyso 29-jirkan ayaa ah inay iibkiisa ka helaan lacago ay ku qarash gareeyaan saxiixyada ay doonayaan sida Havertz iyo Chilwell.

Kante ayaa door muhiim ah ka qaatay inay Chelsea hanato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee 2016-17, iyadoo ay xusid mudan tahay in xilli ciyaareed kahor uu horyaalka Ingiriiska kula soo guuleystay kooxda Leicester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close