Quique Setién oo ka yaabiyay taageerayaasha Barcelona kaddib markii uu si cajiib ah kaga hadlay kulamada ka harsan xilli ciyaareedka

(Spain) 18 Juun 2020. Tababaraha reer Spain ee Quique Setién ayaa ka yaabiyay taageerayaasha Blaugrana, kaddib markii uu ka hadlay kulamada ka harsan xilli ciyaareedka haatan socda, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuusan u arkin suurtgalnimada ay Barca ku guuleysan karto kulamada soo aadan.

Kooxda Barcelona ayaa u harsan 9 kulan ee horyaalka La Liga dalka Spain, waxaana Blaugrana loo caleemo saari doonaa hanashada koobka horyaalka haddii ay wada guuleysato dhamaan kulamada u harsan.

Si kastaba ha noqotee, Tababaraha reer Spain ee Quique Setién ayaan u arki in arrintan ay suurtogal noqon karto, wuxuuna rumeysan yahay in kooxdiisa ay lumin doonto xoogaa dhibco ah.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababaraha reer Spain ee Quique Setién, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa inaysan suurtagal noqon karin inaan wada guuleysano dhamaan kulamada soo socda, inkastoo ay taasi jirto hadana kooxda waxay awood u leedahay inay sidaas sameyso”.

“Xaqiiqda hada jirta ayaa ah inaan guuleysanay labo kulan kaddib markii aan soo laabanay, waxaan dhalinay 6 gool, waxaana ilaashanay shabaqeena, taasina waa wax fiican oo ka fiican kooxaha kale”.

“Laakiin way adag tahay in lagu guuleysto dhibcaha oo dhan, haa way adagtahay laakiin waa suurtagal”.

“Laakiin booqashadeena garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan si aan ula ciyaarno kooxda Seville fiidnimada jimcaha, xitaa hadii aysan joogin taageerayaasha, wey adkaan doontaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close