Maxay tahay Naynaasta ay xiddigaha Kooxda Arsenal ula bexeen Macallin Mikel Arteta kaddib markii uu iska diiday in ‘Boss’ loogu yeero?!

(London) 18 Juun 2020. Sida wararku ay sheegayaan xiddigaha kooxda Arsenal ayaa Naynaas cusub ula baxay macallinkooda Mikel Arteta, kaddib markii uu diiday in loogu yeero ‘Boss’.

Ciyaartoyda kooxda Gunners waxa ay naynaasta ‘Mister’ u bixiyeen macallin Mikel Arteta kaddib markii uu mamnuuc ka dhigay in loogu Waco ‘Boss’.

Hoggaamiyaha reer Spain ayaa waxa uu lix bilood kaliya hayaa shaqadii ugu horreysay ee Tababarennimo, balse waxaa la soo sheegayaa in durba uu isbedel weyn ku sameeyey habdhaqankii ka jiray garoonka Emirates.

Warsida The Athletic ayaa warinaya in xiddigaha kooxda Arsenal laga mamnucay inay isticmaalaan erayga ‘Boss’ oo caado ka ahaan jiray in lagu salaamo tababarayaashii Arteta kaga horreeyay shaqada Emirates.

Waxaana warbixinta lagu sheegay inay haatan u bedesheen inay ku salaamaan macallinka Arsenal ‘Mister’ ama mararka qaarkood ‘Mikel’.

Macallinkii waqtiga dheeraa ee Arsenal Arsene Wenger ayaa caan ku ahaa in lagu naynaasi jiray ‘Le Professor’ markii ugu horreysay oo uu noqday Tababaraha kooxda Arsenal bartamihii Sagaashameeyadii.

Arteta ayaa saddex sanadood caawiye u ahaa Tababare Pep Guardiola waxaana uu kula sugnaa Kooxda Manchester City ka hor inta uusan Macallin Unai Emery ka bedelin shaqada garoonka Emirates bishii December.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close