Garoonka Eng Yariisow oo galabta marti-galinaya kulan Taageero la’aan ah

(Muqdisho) 18 Juun 2020. Horyaalka Somali Premier League ayaa dib loo amba-qaadi doonaa maanta, maadaama muddo labo bilood iyo bar ah uu hakad ku jira sabab la xiriirta Caabuqa Coronavirus kaas oo dunida sameyn weyn ku yeeshay.

Kooxaha Horseed iyo Raadsan ayaa galabta wada dheeli doona kulan hore loo calaamadeyay inuu dhaco, balse Caabuqa COVID-19 ayaa baajiyay, taas oo ka dhigan inuu dib u soo laabtay hardankii loogu jiray horyaalka.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka Somali Premier League ee Horseed ayaa sanadkan ku jirtay bandhigii ugu fiicnaa abid marka loo eego sanadihii ugu dambeeyay kooxda, maadaama ay hoggaanka hayso, iyadoo leh 22-dhibcood kaliya hal dhibcood ayeyna ku haysaa kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay inaan garoonka loo ogolaan doonin in ay yimaadan wax taageero ah, taas oo ka dhigan in wali ay jirto cabsiga laga qabo caabuqa Coronavirus.

Labadan kooxood ayaa ku dheeli doona garoon maran oo aysan joogin wax taageero ah, iyagoo weyn doona garab istaaggii, sacabkii iyo sawaxankii ay ka heli jireen taageerayaashooda oo ay ku guubaabin jireen kooxdooda inay guuleysato.

Kaliya ma’ahan in horyaalka Somali Premier League laga joojiyay taageerayaashu inay yimaadaan garoommada, waxaa horay u jiray in ciyaaraha caalamka intooda badan aan garoommada loo ogoleyn in taageerayaashu yimaadaan, maadaama wali laga cabsi qabo faafaha COVID-19.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warbaahinta maxaliga ah loo ogalyahay in horyaalka Somali Premier League si toos ah u tabiyaan, taas oo fursad u siineysa taageerayaasha inay ciyaaraha horyaalka kala socdan Guryahooda.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close