SHAX isku dhaf ah oo laga sameeyay Kooxaha Man City vs Arsenal ka hor kulankooda Caawa ee Premier League… (Yaa xiddigaha ugu badan ku leh?)

(Manchester) 17 Juun 2020. Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa caawa ku ballansan garoonka Etihad Stadium , ciyaar qeyb ka ah horyaalka Premier League ee dalka England, kaddib markii uu kubadda cagta hakad geliyey faafaha Coronavirus.

Mikel Arteta ayaa dib ugu laabanaya garoonka Etihad tan iyo markii uu hoggaanka u qabtay Arsenal, halka City ay garaacday Gunners lixdii kulan ee ugu dambeeyey tartammada oo dhan.

Shabakadda Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda caawa, kooxda Arsenal ayaa kaliya 2 xiddig ku leh shaxdan, halka ay Man City ay xiddigaha ugu badan ku leedahay. iyaga oo ku yeelatay 9 xiddig.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhafka ah ee ay Kooxaha Man City iyo Arsenal ka sameysay Majaladda lagu magacaabo Sports Mole:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close