RASMI: Afar Magaalo oo kala duwan oo marti gelin doona tartanka Europa League & Halka uu isku aadku ka dhici doono oo la shaaciyey

(Yurub) 17 Juun 2020. Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in afar magaalo oo kala duwan oo dalka Jarmalka ah ay marti gelin doonaan Europa League muddo 11 maalmood ah si tartanka loo dhammaystiro, iyadoo Final-ka lagu ciyaari doono Magaalada Cologne.

UEFA ayaa xaqiijisay maanta in tartanka Europa League lagu dhammaystiri doono afar magaalo oo kala duwan oo dalka Jarmalka ku yaala muddo 11 maalmood gudahood ah, iyadoo 21 bisha Agoosto final-ka tartankan lagu ciyaari doono Magaalada Cologne.

Tartanka Quarter-finalka iyo Semi-finalka ayaa haatan noqon doona mid hal lug ah, waxaana lagu ciyaari doonaa guud ahaan Magaalooyinka Cologne, Duisburg, Dusseldorf iyo Gelsenkirchen inta u dhexaysa 10-ka Agoosto iyo 21-ka bisha Agoosto.

Isku aadka wareegga siddeed dhammaadka iyo afar dhammaadka tartanka Europa League ayaa lagu qaban doonaa xarunta weyn ee UEFA oo ku taalla Magaalada Nyon 10 bisha July ee sanadka 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close