Ansu Fati oo ku garaacay Lionel Messi rikoodh cajiib ah kaddib goolkii uu xalay u dhaliyey Barcelona

(Barcelona) 17 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul muhiim ah kaga gaartay naadiga Leganes garoonkeeda Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxaana labada gool u kala dhaliyay xiddigaheeda Ansu Fati iyo Lionel Messi.

Da’ayarka reer Spain ee Ansu Fati ayaa dhaliyey goolka koowaad ee kooxda Barcelona, kulankii xiisaha lahaa ay guusha kaga gaareen Leganes xalay horyaalka La Liga.

Haddaba Ansu Fati ayaa ilaa iyo haatan dhaliyey 5 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda Barcelona isagoo jira da’da 17 sano, waana rikoodh uu kaga sare maray Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa xilligan oo kale marka uu jiray 17 sano, wuxuu ka soo muuqday kooxda Barcelona 7 kulan, wuxuuna dhaliyay 1 gool oo kaliya xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close